Shirka Golaha Iskaashiga Oo Maanta La Soo Gabagabeynayo

0

Waxaa gelinka dambe ee maaanta lagu wadaa in soo gabagabeeyo shirka golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo 2 maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynahayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland oo marti galineysa kulankaasi.

Gabagabada shirkan ayaa la filayaa in lagu soo saaro War-Murtiyeed ku aadan waxyaabihii laga wada hadlay.

Shirkan oo ah kii afaraad ee golaha iskaashiga ayaa ku soo aadaya, xilli weli uu taagan yahay khilafka u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.