DHAGEYSO:-Xildhibaano Ka Digay Khalalaaso Ka Dhaca Doorashada K/ Galbeed

0

Dhawaan ayaa la filayaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay u sharaxan yihiin in ka badan 10 musharax.

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa uu musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada koonfur galbeed uga digay inay qalalaasi  ka sameeyan doorashada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay xildhibaanka in doorashada sidii loogu talo galay ay u dhacdo,isla markaana sheegay musharixii doorashada kusoo baxo loo hogaansamo lanan Shaqeeyo.