DHAGEYSO:- Saraakisha Ciidamada Dowladda ee shabeelaha dhexe oo goobo qabsaday

0

Taliska xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen howlgallo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin Koronto ayaa sheegay in howlgalladaas ay ahaayeen mid looga saaarayay Al-Shabaab,isla markaana ay Afar jiho ka weerareen.