Dawlad Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Heshiiska ONLF Iyo Itoobiya

0

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa soo dhaweeyay heshiis dowladda Itoobiya ay la gashay jabhadda hubeysan ee ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaraya colaadda u dhaxeysay labada dhinac, wuxuuna heshiiskaasi qeyb ka yahay isbadallada uu la yimid ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Deegaanka Guulwade Cali Kaahin ayaa sheegay in heshiiskaas ay soo dhaweynayaan,isla markaana uu yahay mid Shacabka dowlad deegaanka Nabad u horseedaya.

Waxa uu sheegay inay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Xubnaha Sar sare ee Ururka ONLF oo laba todobaad kadib ku soi wajahn dowlad deegaanka kadib heshiiskii Magalada  Asmara.

Colaadii daba dheeraatay iyo dagaaladii u dhaxeeyay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya xilligii Xukuumadii Cabdi Maxamuud iyo ONLF ayaa haatan u muuqata mid soo afjarantay.