AKHRISO:- Siyaasi Cali Xaaji oo si kulul uga hadlay Colaada dhumay

0

Siyaasi Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta magaca ku leh geyiga Soomaaliya iyo Puntland oo isagoo ku sugan Nairobi la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda deegaanka Dhumay ee koonfurta magaalada Laascaanood.

Cali ayaa sababaha soo celcelinaya ku tilmaamay suurtagalnimada daraf sadexaad oo dagaalka kicinaya, heshiiska oo aan ahmiyad wayn la siin dhaqangalkiisa.

Siyaasigan ayaa sheegay in xiligan loo bahanyahay in la dhex gallo beelaha walalaha ee dagaalamaya,isago ugu baaqay dhinacyadda dagaalamaya inay xabadda joojiyaan.