AKHRISO:- Sarkaal ka tirsana daacish oo Somaaliya lagu dilay

0

Ku xigeenkii kooxda Dowlada Islaamiga “Daacish”ee dalka Soomaaliya Mahad Macalin ayaa toddobaad kahor lagu diley magaalada Muqdisho.

Laanta Afka Soomaaliga ee idaacada BBCda ayaa qortay in ay ka heshay dad ehel la ah oo u xaqiijiyay in lagu diley Muqdisho Mahad Macalin toddobaad kahor.

“Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano” ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin.

Waxay intaa ku dareen in meydkiisa oo aan la garan laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay.

Isla arrintaas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan sirdoonka maamul goboleedka Puntland oo sheegay in taariikhda dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan xogta ay BBC siiyeen eheladiisa.

“Waxaa dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday. Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo” ayey yiraahdeen ilahaas ka tirsan sirdoonka Puntland.