AKHRISO:- Maamulka Gobolka Doollo ee DDSI oo loo magacaabay oo is maandhaaf kajiro

0

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay wuxuu ku jiray dib u habaynta iyo dhismaha laammaha Dawladda ee kala duwan sida heer wasiiro heer Gobol, heer Degmo & xaafiisyo Madaxeedyo.

Maamulkii loosoo magacaabay Gobolka Doollo ayaa waxaa hareeyey khilaaf iyo diidmo uu kala kulmay Shacabka Reer Doollo.

Magaalada Wardheer oo xarun u ah Gobolka Doollo waxaay maalmo ka hor soo gaaray qeyb kamida Maamulka Gobolka losoo magacay wuxuuna la kulmay bannaan baxyo waweyn iyo diidmo xoogan.

Shacabka Reer Doollo ayaa saluugsan hannanka losoo dhisay Maamulka heer Gobol taaso ay ku Adacoonyan inaysan waafaqsaneyn Caddaalada iyo sinaanta lafa filayey Madaxweynaha DDS.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ii xaqiijiyey inay Jigjiga ku labteen Maamulkii Gobolka losoo magacaabay, laguna war galiyey inay dib ugu soo labtaan Caasimadda DDS, ee Jigjiga.

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa isku dayeya inuu qanciyo dhammaan bulshada heer Gobol iyo heer Degmo.

Qeybo kamida odayaasha iyo waxgaradka (Wardheer) ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu sinaan iyo caddaalad ugu weel qaado Maamulka Gobolka Doollo..

Maalmihii ugu dambeyey waxaa Gobolka Doollo ka socday Bannaan baxyo Nabadeed oo lagu dalbanayo in Maamulka Gobolku uu noqdo mid tayo iyo tiraba isku dheeli tiran.

Wardheer ayaa dhacda Goob istaraatiijiya waxayna leedahay fursado ay uga duwan tahay 11, Gobol (DDS).taaso ah dhanka Ganacsiga iyo Soohdimaha aadka u ballaaran ee ay la wadaagto Qeybo kamida Gobollada Jamhuuriyadda Federalka ee Sooomaaliya..

Ugu dambeyntiina Degmooyinka Wardheer hoos taga ee kala ah Bookh Gallaadi, Santarada Qalloocaan Kurtule, Qararo, Marqaan, & Bali wanag ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay mudahoraadyo shacabka ayaa dalbanaya in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu dhab ah u magacaabo Gobolka..