AKHRISO:- Dhawacyadii ugu badnaa oo Cisbitaalka Gaalkcyo la geyeey

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhaawacyo laga keenay deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool la geeyay Isbitaalka Weyn ee Magalada Gaalkacyo.

Dadkaasi dhaawaca ah oo gaaraya Kontomeeyo ayaa waxa ay ku dhaawacmeen dagaalkii saakay ilaa shalay ka dhacayay deegaanka Dhumay kaa soo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.

Madaxa gargaarka deg degga ee isbitaalka Guud ee Gaalkacyo Dr Cabdikaafi Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dhaawacyada isugu jiraan kuwa culus iyo kuwa fudud,sidoo kalena ay ku jiraan Shan Dumar.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaasi dhaawaca xaaladooda ay la tacaalayaan,isla markaana ay rajeynayaan inay helaan daawooyin iyo daryeel fiican.

Deegaanka Dhumay ee Koonfur ta Gobolka Sool ayaa waxaa ku dagaalamaya laba maleeshiyo beeleed,waxaana Maamulka Puntland uu ku eedeeyay in ay hurineyso Soomaaliland.