Madaxweynaha Sudan oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Safiirka cusub ee Soomaaliya a

0

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Khartoum waxaa uu waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Sudan C/risaaq Axmed Shoole.

C/risaaq Axmed Shoole ayaa ka mid ahaa Safiiro ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxaana loo magacaabay inuu noqdo Safiirka Sudan.

Mr Shoole ayaa ahaa Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhowaa Madaxweyne Farmaajo oo kala qeyb qaatay ololihii doorashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa is bedel ku sameeyay inta badan Safiirada dalalka deriska, waxaana ay magacawday Safiiro cusub.

Itoobiya iyo Jabuuti ayaa loo magacaabay labo safiir oo nuqul ka mid ah waraaqahooda aqoonsiga ay aqbashay Wasaaraddaha Arrimaha dibadda dalalkaas, waxaana labada Safiir kala yihiin Cali Shariif oo loo magacaabay Itoobiya iyo Maxamed Cali Nuur Xaaji oo loo magacaabay Jabuuti, kaasoo laga soo bedelay Itoobiya.

Dalalka Kenya iyo Uganda oo ah wadamo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa ah weli loo magacaabin Safiiro.