Rugta Ganacsiga oo shaaca ka qaaday in aan la joojineyn mashruuca dhismaha Waddooyinka Muqdisho

0

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray is casilaada Guddoomiyihii Guddiga Dhismaha Waddooyinka Muqdisho, taasoo keentay in Ganacsatada Gobolka Banaadir ay joojiyaan lacagihii ay ku taakuleyn jireen dhismaha waddooyinka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo warshadaha Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu kaga warbixiyay marxaladihii uu soo maray mashruuca dhismaha waddooyinka Muqdisho.

Mr Gabeyre ayaa sheegay inuu sii socon doono howlaha dhismaha waddooyinka Muqdisho, isagoo ugu baaqay Ganacsatada inay sii wadaan lacagaha taakulada ee la siiyo Guddiga dhismaha Waddooyinka, isla markaana howsha uu sii wadi doono Guddoomiye kuxigeenka Guddiga, inta Guddoomiye cusub laga soo dooranayo.