Guddoomiyihii Beledweyne oo xilka laga qaaday guddoomiye cusubna loo magacaabay

0

Wareegto ka soo baxday Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilka loogag qaaday Guddoomiyihii hore ee degmada Beledweyne Cusmaan Maxamed Qalaafow.

Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyadoo loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Beledweyne Maxamed Axmed Ibraahin (Foodcadde).

Foodcadde ayaa hore u soo noqday Guddoomiyaha Degmada Beledweyne iyadoo guddoomiyaha xilka laga qaadayna ay tahay markii labaad ee xilka laga qaado.

Degmada Beledweyne ayaa ah degmada ugu badan ee marwalba la bedelo guddoomiyaha degmada iyadoo marka xilka laga qaadayo guddoomiye aan la sheegin sababta xilka loogaga qaaday.