Wasiirka Waxbarashada Oo Sheegay In La Dhisayo Guddiga Tacliinta Sare

0

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacliinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaamacadaha waddanka ku yaalla, si loo ogaado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.

Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Barnaamijka Kulanka Toddobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ka qeyb-galay maanta ayaa sheegay in guddigaan uu awoodu leeyahay dib u habeynta Tayada Waxbarasho ee Tacliinta sare, isla markaaana Jaamacadaha dalka oo dhanna uu dib u habeyn ku sameynayn doono.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashada ayaa sheegay in sanadka 2020-ka ay ku rajo weyn yihiin in Jaamacadda Ummadda ay awood u yeelato in ay qaadato sannad walba 10,000 oo Ardey (Toban Kun oo Ardey).