SAWIRO:- Galmudug Oo Xafiis KMG Ah U Sameysay Maamulka Degmo Ka Maqan Gacanta Galmudug

0

Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhowr Sano kaidb ku guuleystay in uu Xafiis KMG ah u furo degmada CeelBuur oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo wefdi uu hugaaminayay ayaa Galabta gaaray Degaanka Ceel Qorax oo hooka mid ah deegaanada hoostaga Degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha ayaa halkaasi ka dhagax-dhigay Xafiis KMG ah oo Maamulka degmaa Ceelbuur uu ku Shaqeyn doono.waxana munaasabada dhagax-dhiga ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.

Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxaa haatan Maamula Al-Shabab,iyada oo Madaxda Galmuudg dhowr mar ay ku celceliyeen inay ka saaraayaan balse aysan ku guuleysan.