DHAGEYSO:-Hogaamiyaha Jubbaland oo kashifay xogta kulankii Kenya ku dhex-maray madaxda Mamauladda

0

Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo  shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Hogaamiye Axmed Maxamed Islaam ayaa warbixin golaha ka siiyay xaalada siyaasada wadanka gaar ahaan howlo shaqo oo uu dhawaan u tagay Magaalada Nairobi Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu halkaas kula kulmay Safiirada iyo masuuliyiinta qaar kamid ah wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya iyo wadamada ay Ciidamadu ka joogan AMISOM isagoo kala hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada xoraynta ah ee dalka oo gabaabsi noqday waayahii u danbeeyay.