DHAGEYSO:–Gudoomiyihii Barlamaanka Somaliland oo Shaaciyey Inuu Xilka Bananaynayo Kuna Wajahan Yahay Laascaanod

0

Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland waxaa warbaahinta kula hadlay masuulkii ugu sareeyey siyaasiyiinta gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee xilalka ka hayey maamulka Somaliland isagoona ka hadlay doorashooyinka 2019.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inuu sida ugu dhaqsiinyaha badan xilka u bannayn doono isla markaana ku soo laaban doono magaalada Laascaanood si uu uga qaybgalo doorashada 2019.