Cawad “Ma rabno in aan noqono dad amaanaya Madaxdooda, Ra’iisul Wasaaraha shaqadiisa amaan ugu filan”

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si layaab leh uga hadlay bandhiggii shalay ee Shirkii Golaha Wasiirada uu shir guddoominayay, kaasoo dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ku tilmaamay inuu madal amaan kaliya la isugu qubeeyay.

Hase ahaatee Wasiirka kaliya ee ka duwanaa khudbadihii Wasiirada kale ee amaanta iyo taageerada u badnaa wuxuu ahaa Wasiir Axmed Ciise Cawad oo madasha ka sheegay in aan loo baahneyn in Madaxda la amaano.

Waxaa uu sheegay in howl kasta ay howl ka horeysay, isagoo soo hadal qaaday halkii laga soo bilaabay dowladnimada illaa xilligii Carta oo uu xusay inuu ka war hayay marba marxaladihii uu dalka soo maray.

“Howl kasta howl ayaa ka horeysay, madaxdoo hore u soo jirtay iyo xukuumadihii hore waxay soo gaarsiiyeen meesha aan maanta joogno, aniga waa ka war hayaa illaa Carte, hadana Ra’iisul wasaaraha iyo kooxdiisa meel kale oo aad u sareysay ayay gaarsiiyeen”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn in la noqdo dad madaxdooda kaliya amaanaya, isagoo xusay in waxyaabo badan laga tilmaamo karo howlaha Ra’iisul Wasaaraha qabto, taasna ay ammaan ugu filan tahay shaqadiisa.

Intii uu hadalkiisa sii watay, una gudbay talo soo jeedin ku saabsan hal beegyada ayaa waxaa ka dhex galay Ra’iisul Wasaaraha oo si lama filaan ah ugu celiyay hadalka, taasoo laga dareemayay sida Wasiirka aanu ugu qanacsaneyn in hadalkii uu watay in laga hakiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xilka loo magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan 2017 ayaa lagu tilmaamaa inuu aanu aheyn Wasiirada aadka ugu dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo si ka duwan aragtiyada labada xafiis uga hadlo marka ay timaado xaaladaha siyaasadda arrimaha dibadda.

Inta badan Khudbadihii shalay ka jeediyeen Wasiirada Xukuumadda kulankii shalay si tooska looga daawanayay Telefishinka waxay hadaladoodu ahaayeen kuwo taageero iyo amaan ah oo madaxda sare ee dalka ugu jeedinayeen.