AKHRISO:- 100 Neef Ari ah oo Biriq ku Dishay Gobolka Galgaduud.

0

Iyadoo qaybo kamid ah Soomaaliya uu ka da,ay Roobabkii Dayrta ayaa 24 Saac ee lasoo dhaafay waxaa Roobab xoogan ay ka da,ayeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Deegaanka Dabayoodley ee degmada Guriceel, Galguduud, ayaa Reer guuraa waxaa ku dhacay Arigooda Biriq taasoo sababtay inay ku wayaan 100 Neef oo ari ah ama Tiro ari ah.

Biriqdaas oo ku dhacday Xerada ariga ayaa la sheegay inay kaliya ka Bad-baaday 10 Neef oo riyo ah waxaana sidoo kale aysan waxyeelo soo gaarin Qoyska dadkiisii marka laga reebo Xoolahan.

Qoyska oo aad u jeclaa ariga gaar ahaana Riyaha Cad ayaa Aas Guud u sameeyey kadib markii Xurfad u dhowayd ay ku duugeen arigii iyagoo sheegay inay dhibayso Arigtidooda iyo sidoo kale Baqtiga Arigaas.