SAWIRO:- Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland oo Qodobo muhiim ah looga hadlay

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir gudoomiyay kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa warbixin golaha ka siiyay xaalada siyaasada wadanka gaar ahaan howlo shaqo oo uu dhawaan u tagay Magaalada Nairobi Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu halkaas kula kulmay Safiirada iyo masuuliyiinta qaar kamid ah wadamada daneeya Arimaha Soomaaliya iyo wadamada ay Ciidamadu ka joogan AMISOM isagoo kala hadlay sidii loo dardar galin lahaa Howlgalada xoraynta ah ee dalka oo gabaabsi noqday waayahii u danbeeyay.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in uu kala hadlay sidii loo sii laba jibaari lahaa kaalmada kala duwan ee lasiiyo Soomaaliya gaar ahaan Arimaha gargaarka iyo tageerada dhinaca amniga ah.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu hoosta ka xariiqay in dadaalada dib usoo kabashada Soomaaliya ay xaqal daacinayso khilaafka iyo kala fogaanshaha ka jira Madaxda isagoo sheegay in xal iyadoo aan arimahaas laga gaarin aanay waxba wadanka u hagaagaynin cida masuuliyadaas ay tahay in ay qaadato oo dadka isku keento umadana midaysana ay tahay Dowlada Federaalka ah oo howshaa gabtay.

Dhinaca kale Waxaa golahu uu warbixin ka dhagaystay Waaxda uruurinta dakhliga iyadoo lasoo bandhigay qorshaha kobcinta iyo hormarinta ilaha dhaqaalaha iyo sidii wajigiisa labaad loo gaarsiin lahaa dhamaan Jubbaland.

Sidoo kale Wasaarada Arimaha gudaha ayaa soo bandhigtay halka uu marayo hananka Dowladaha hoose gaar ahaan dhismaha qaabaynta Magaalooyinka oo hada uu socdo wajigii koobad oo laga fulinayo Magaalada Kismaayo.