SAWIRO:- Madaxweyne Xaaf oo Gaalkacyo kula kulmay Saraakisha gobalka Mudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Ahmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa Maanta Booqday Saldhiga Ciidanka Booliska Galmudug halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ciidamada amaanka Galmudug.

Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa uu ahaa sidii saraakiisha ciidamada ula hadli lahaa xaalada ammaan ee degaanada Gobolka mudug.

Saraakisha ciidamada ayaa Madaxweynaha u sheegay in xaalada ammaan hadda ay tahay mid wanaagsan islamarkana ciidamada ay u baahan yihiin gaadiiid ay ku shaqeyaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ciidamada ku amaanay sida ay u xaqiijiyeen amniga guud ee gobolka Mudug wuxuna balan qaaday in ka maamul ahaan ay wax ka qabanayan cabashada ciidamada.