Duqa Muqdisho Ganacsatada Waa In Shaqo Abuur Ay U Sameeyaan Dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdi raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed in shaqo abuur ay u sameeyaan Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed isagoona sheegay in loo baahan yahay   qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka faa”deystaan xooga fikirka iyo aqoonta dhalinyarada si loo hormaro dalka Soomaaliya.

Injineer Yariisoow ayaa hoosta ka xariiqay in aan look ala harin sidii shaqo abuur looga sameyn lahaa dhlainyarada Soomaaliyeed wuxuuna intaa ku daray in ganacsatada ay ku firiraan sidii shaqo ay ugu abuuri lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa boqolkiiba todobaan waxaaa lagu tilmaamaa in ay yihiin dhalinyaro waxaana dalka jooga dhalinyaro badan oo aan heysan shaqo islamarkaana ka soo baxay Jaamacada ku Yaalla Dalka.