Dowladda Mareykanka oo turkiga ka codsaday caddeymo la xiriira Jamal Khashoggi

0

Mareykanka ayaa ka dalbaday xukuumadda Turkiga in ay la wadaagto cod la sheegay in uu caddeyn u yahay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dilay gudaha qunsuliyada Sacuudiga.

Waan ka codsanay,haddii ay jirto,” waxaa sidaasi aqalka cad wariyayaasha ugu sheegay madaxwayne Donald Trump told reporters at the White House.

Madaxwayne Donald Trump ayaa beeniyay in uu difaacayo boqortooyada Sacuudiga taasi oo ku saabsan dilka laga shakisan yahay in saxafiga Jamal Khashoggi lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Balse waxa uu sheegay in Mareykanka aysan marnaba meel cidlo ah uga dhaqaaqayn wadamada ay saaxibka yihiin.

Mr Trump ayaa intaa ku daray in uu rajaynayo in boqorka Sacuudiga iyo dhaxal-sugaha aysan waxba kala socon waxa dhacay.

Dhanka kale koox ka socota baarayaasha Turkiga ayaa baaritaan ku samaynaya guriga uu Istanbul ka dagan yahay qunsulka sacuudiga si halkaasi looga baadigoobo caddeymo ku aadan shakiga ah in Mr Khashoggi la dilay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa isagana ku laabanaya magaalada Washington ka dib kulan uu la yeeshay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ay arrintan ka wadahadleen.

Mr Pompeo ayaa horey u soo maray dalka Sacuudiga oo uu kula kulmay Boqor Salmaan iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu hayo boqortooyada Sacuudiga ee ku saabsan inay meel ku sheegaan wariye Jamal Khashoggi.

Jamal Khashoggi ayaa ahaa wariye daggan dalka Mareykanka islamarkana u shaqeeya wargayska Washinton Post.

Wariyaha ayaa si aad ah u dhaliili jiray qoyska boqortooyada Sacuudiga.