DHAGEYSO:- Xasan Sheekh Madaxweynihi hore somaliya oo Arrimo Xasaasi ah ka hadlay

0

Maalma ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa taageero ay u muujisay Dowladda Sacuudiga oo haatan uu ka ladhaxeeyo khilaaf ka dhashay dilkii Wariye Jamal Khashoggi dowladda Turkiga.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taagertay dowladda Sacuudiga iyo saameynta ay ku yeelan karto.

Isaga oo Wareysi siinayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Somaaliga ayuu sheegay in xilligaan uusan garan kari sababaha ay dowladda ku teegeerto Sacuudiga,isla markaana uu u arko inay tahay fudeed Siyaasadeed

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay arrin aad u adag in Sacuudi iyo turkiga loo kala safto,waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay dhaqaalo iyo dhinac walba taageero u siiso Soomaaliya.