DHAGEYSO:-Guddoomiyaha gobolka hiiraan oo digniin u diray hay’adaha samafalka

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar(Dahabageed) ayaa waxa uu digniin culus u diray Hay’adaha Samafalka ee xilligaan ka howlgalla degaano ka tirsan Gobolkaas.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha qaarkood aysan maamulada degmooyinka Gobolka Hiiraan kala tashan howlaha gargaarka ah ay fulinayaan,isla markaana degmooyinkii ay doonaan ay geeyaan.

Waxa uu sheegay inaysan marnaba Gobolka Hiiraan ka howlgeli doonin Hay’adii wadatashi la’aan uga howlgasha Gobolkaasi Hiiraan,isl markaana holwaha gargaarka aan gaarsiin dhamaan degmooyinka.