DHAGEYSO:-Diyaarado dagaal oo duqeyn ka geystay gobolka Gedo

0

Dadka degaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in ay arkeen diyaarado Gantaalo ku ridaya goobo la sheegay in ay dhaq dhaqaaq ka wadeen xoogag ka tirsan ururka Al Shabaab.

Si dhab ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Duqeynta ciidamada Kenya ay ka geysteen halkaasi, waxaana weli socda uruurinta xogta iyo macluumaadka la xiriira Duqeyntaasi.

Warar madax banaan oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan duqeyntan in khasaare ay ka soo gaartay dad shacab ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur, kuwaasi oo ku sugnaa tuulada la bartilmaameedsaday.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa inoo sheegay in ay jirto Duqeynta, waxayna tilmaameen qorshahan inuu qeyb ka yahay dagaal kordhinta lagula jiro ururka Al Shabaab.

Kenya ayaa Koonfurta Soomaaliya waxa ay ku fulisaa duqeymo ay la eegato fariisimo ay sheegto inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ee xoogooda ka dagaalama Koonfurta Soomaaliya.