Al-Shabaab oo sheegay in ay dagaal ku qaadeen Gobalka Bari

0

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in xalay dagaal  ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa saldhig ku yaala deegaanka Af-urur ee Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in dagaalka  uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay ku geysteen Ciidamada Puntland.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay dagaalka, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in xalay uu dagaal ka dhacay Deegaanka Af-Urur ee Gobalka Barri, islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka Noocyadiisa kala duwan.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Maamulka Puntland, Kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyeen dagaalka ay sheegeen in Al-Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Puntland ee Jooga saldhig ku yaala Deegaanka Af-Urur ee Gobalka Bari.