Xildhibaano Laga Hor Istaagay Inay Galaan Xarunta Golaha Shacabka

0

Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho ka  furmay kulanka Xildhibaanada ay leeyihiin,waxaana la sheegay in qaarkood laga hor-istaagay inay xarunta Galaan.

Tiro Xildhibaano ayaa lagu soo waramayaa in  loo diiday gelintaanka Xarunta,isla markaana ay kahor-istaageen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominaya ayaa ciidamada ugu baaqay inay dhowraan xasaanada Xildhibaanada.

Waxa uu ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaaga maanta lagu sameeyay Xilhibaanada Golaha Shacabka.