Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan ku leh Muqdisho

0

Mudanayaasha  golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa uu yahay aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha dalka.

Waxaana Sida Caadiga ah Shir gudoomin doono Maxamed Mursal Sheekh Cabdi raxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Amaanka wadooyinka soo gala Xarunta ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ciidamo boolis ah la soo dhigay wadooyinkaasi.