Wafdi Ka Socda Dowladda Somalia Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Sudaan

0

Shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan, waxaana Soomaaliya ku matalaya wasiirka wasaaradda caafimaadka Drs. Fowsiya Abiikar Nuur.

Shirkaas oo socon doona ilaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Fawsiya ayaa loo doortay ku xigeenka shir gudoonka, waxaana ay ka hadashay dadaalada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.