Wafdi Heer caalami ah oo ku soo wajahan Muqdisho

0

Ciidamada amaanka ee Dowlada Soomaaliya ayaa saaka xiran Qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah ayaa maanta u gudbeynin Isgoosyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Wadooyinka saakay xirana ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo wadooyin kale.

Warar aan helnay ayaa sheegayaan in saaka Magaalada Muqdisho ay ku soo wajan yihiin Wafdi ka socda wafdi ka socda Midowga Afrika,  Itoobiya iyo Eritrea.