TOP NEWS:- Guddoomiye Yariisow “Waxaa Boolisku Ay Qabteen 3 Qof Ee Dilay Gubeyna Axmed Dowlo”

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow aya shaaciyay in gacanta lagu dhigay Saddex ruux oo ka dambeeyey dilkii iyo gubistii Marxuum Axmed Dowlo.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Degmada Yaqshiid iyo Ciidanka Booliiska ay guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan 3 qof oo geystay falkii waxashnimada aheyd ee loo geystay Marxuum Axmed Dowlo.

“Waxaan u Mahadcelinayaa shacabka oo kaalin weyn ka geystay soo qabashada. Waqtigii danbiile baxsan jirey oo shacabka ku dhex dhuuman jirey wey dhamaatay ayuu yiri Duqa Muqdisho.