QORMO:- ALLIHIIS NINKII KA YAABAY EE DADKIISA MIDEEYAY

0

Hoogaamiyaha umada Soomaaliyeed,madaxwaynaha qaranka Soomaaliyeed,Mudane Muxamed binu Cabdullahi. Waa nin jecel sadex wax yaabood saxdexna illaahay ka magan galay sadexna ka xaroogooday oo iskala weyn. Sadexda uu jecelyahay waa sidan.

1.Diintiisa
2.Dalkiisa
3.Dadkiisa

Sadexdaa sifo laabtiisay buuxisay,waana ka run sheegay. sadexda uu Allaah ka magan galay, waxaa weeye sidan soo socota.

1.Aakhiradiisa in uu Aduun ku doorsado

2.Cadaalada in uu eex ku doorsado

3.Qaran in uu qabiil ku doorsado

Sadex waa iskala wayn yahay oo ka xaragoodaa oo qabsare ka leeyahay.

1.In dadkiisa Soomaaliyeed liido shisheeyuhuna la waynaado

2.In soomaali isku diin ah,isku dhalasho ah,isku af ah,isku dal ah,isku dad ah,lakala qoqobo lakala qayb qaybiyo.

3.Hantida umada soomaaliyeed ka dhaxaysa ee ay wada leeyihiin in lagu takri falo oo xatooyo lagu sameeyo

Madaxweeyne Farmaajo intii aynu qaadanay dawladnimada 1960 laga soo bilaabo hadaan lays xaasidayn lays xaqirayn soomaaliyeey,majiro madaxweyne leh sifaadkaa uu illaahay siiyay madaxweyne farmaajo nin leh oo ina soo maray. haa waa jireen Madax wanaagsan oo ina soomartay laakin waxbuu dheeryahay.

Kol hadii illaahay inoo dooray madax weyne caadil ah oo ina simaaya,oo diinteenii iyo dadkeenii iyo dalkeenii intaba dhisaya uu yahay,kol hadii uu naftiisa u hurayo sharafkeena soomaalinimo iyo dalnimo,xaqu waxa uu yahay in aan arinkaa isaga ah uugu horayn Allaah u mahad celinaa ina siiyay hogaan suuban oo inoo cadaalad falaya. Intaa kadibna waa in aan u mahad celinaa madaxweynaheena oo sida uu naftiisa inoogu huray inoo jecel yahay daacada inoogu yahay inoogu laab xaaran yahay waa in aan u noqonaa oo dalkeena iyo diinteena iyo dadkeena la dhisnaa. waa in aan garab istaagnaa.

Hadii Allihii ina abuurtay inoo roonaaday,madax fiican ina siiyay maha in aan caasino kadibna caro alle inagu dhacdo.wixii ibliis madax isaga keen dhigay dib u xasuusta oo khasnadii dhaqaale ee dalkeenana fuuqay eber dhigay!! dadkiina laayay.Rabi haduu inaga qaaday shukri ayaa inoo banaan. xusa tariikhda nina shabeelada dhexe dabuu galiyay nina wakaa maanta ehelkii soomaaliyeed ee wada dhashay isu saaray gacmaha ee walaaleeyay. Adeer ninkii labadaas ayaa gudboon oo isku mid ah yiraahdaa waa nin dhiniciisa ka dhawran waayay cadaab daran maalinta aakhiro,waxaana cad in uu yahay nin jaxiima qalqaashaday.

Midkeenii illaahay kayaabayaase waa arkaa xaqa iyo in aanay sinayn isku midna ahayn nin dadkiisii walaaleeyay iyo mid isku dilay. Maanta ubixii iyo dhalin yaradeenii soomaaliyeed ee waa jibku ahaa in ay cadawgooda qaran difaacaan oo dalkooda illaashadaan oo cududooda mideeyaan,balse taa badalkeeda iyagii laysaga dhigay cadaw oo is xasuuqaya har iyo habeen ayuu shaydaankii ka naaray oo mideeyay intuu dhextagay. Madaxweynaha maanta sidaa yeelay majirto cid aan ku doorsanayno mana nihin kuwo garasho gaaban oo aan lahayn abaal iyo dareen.

Waa nin daacad ah walaal ah iimaan leh sharaf leh wadani ah nasimay noo kala ee xan qabiil aqoon leh karaamo iyo cizi eebbaana siiyay isaga Xukun iyo Saldano weyn.hadaynu nahay soomaaliyana dalkeena iyo dadkeenuba sharaf iyo karaamo sare ayaynu helay maantana waa ina qadarisaa cidwalbaa. waligeenba soomaali hadaynu nahay,waxaan tabanaynay cadaalad daro iyo madaxweyne aan loo sinayn ee qolo wadato tii waa kabaxnay. waa in aan shukrinaa xajisanaa dawladnimadeena cadawgana iska difaacnaa dalkeena aan illaashanaa.

Waxaan illaahay kabaryayaa in nacabka iyo shisheeyaha cadawga ah iyo kan soomaaliga ah oo isticmaarka u shaqaynaya oo aan rabin soomaaliya oo ah dal jira leh dawlad nidaam iyo kala danbayn shartooda in uu ka qabto madaxweynaheena iyo dalkeenaba.guusha iyo nabada iyo hormarkana in uu siiyo madaxweynaheena iyo dalkeena soomaaliya ee aan aadka u jecelahay.

Madexweyne farmaajo illaahay aduun qiimo malaha ee janadii fardoowsaad haku geeyo walaalaynta iyo nabadaynta aad heshiis buuxa dhex dhigtay wilashaa wada dhashay ee soomaaliyeed ee dagaalamaayay 28 sanadood maantana aad soo afjartay.