Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn Ku Dilay 60 dagaalame oo ka tirsan Shabaab

0

Militariga mareykanka ayaa sheegay in dhamaadka todobaadkii hore ay fuliyeen weerarkii ugu weynaa ee ay la beegsadan Al-Shabab-ka ka dagaalama Somalia tan iyo daba-yaaqaada sanadkii tagay ee 2017-kii.

Taliska mareykanka ee qaaradda Africa magaciisana loo soo gabiyo AFRICOM ayaa soo bandhigay natiijadii ka dhalatay weerar lagu qaaday meel u dhow Degmadda Xara-dheere 12-kii bishan October waxa ayna talisku sheegeen in weerarkaas lagu dilay 60 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabab.

Weerarkii ugu dambeeyey ee lala beegsaday Al-Shabab islamarkaana sababay dhimashada dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al-Shabab ayaa dhacay bishii November sanadkii tagay 2017 waxaana weerarkaas lagu dilay 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Marka laga soo tago weerarada Puntland, xara-dheere ayaa sidoo kale kamid ah goobaha ugu badan kuwaas oo ay weeraro bartilmaameed ah ka fuliyeen maraykanka inta lagu guda jiro sanadkan 2018.

Digniinnada ballaaran ee dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa u muuqata mid dheer oo ka soo jeeda goobaha gargaarka caadiga ah ee dooxada Jubba, taas oo muujinaysa dabacsanaanta laanta al-Qaacida ee dalka oo dhan.

Mareykanka ayaa waddanka Somalia ka fuliyey sanadkan 2018 27 weerar oo lagu beegsaday Al-Shabab.