Gudoomiyaha B/K/Galbeed oo been abuur ku tilmaamay Gudiga Doorashada

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka koofur Galbeed Cabdi Qaadir Shariif Sheekhuna,  oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ee Gobalka bay ayaa beeniyay in  warqad la sheegay in lagu magacaabay Gudiga Doorashada ee madaxtinimada ee Maamulkaasi ay ka soo baxday Xafiiskiisa.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha in wararkaasi ay yihiin kuwa Been abuur, islamarkaana sal iyo raad toona  la heyn.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in laga been abuurtay,isagoona dalbaday in arimahasi oo kale aan la sameynin.