DHAGEYSO: Gen. Indha qarshe “Dooman ay Shabaab lahaayeen ayaan buruburinay”

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa wuxuu sheegay hawlgal ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe inay ku burburiyeen dooman ay isticmaalayeen Ururka Al Shabaab.

Wuxuu sheegay Shabaab inay mar walba isku dayaan inay dhibaateeyaan shacabka, ciidamada xoogga dalkana arrintaasi ay ka soo horjeedaan oo habeen iyo maalinba ay difaacayaan.

General Indha qarshe ayaa wuxuu sidoo kale sheegay hawlgalada in keliya aysan ku koobneyn gobolka Shabeellaha Dhexe, balse xoogooda uu ka socdo gobolada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.