DHAGEYSO:- Camey oo Garoowe ka daahfuray Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qaybta Diiwaangalinta Muhaajiriinta

0

Madaxweyne ku xigeenka dawlada Puntland Mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camey ayaa magaalada Garowe ka daah furay Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Qaybta Diiwaangalinta Muhaajiriinta kaasoo lagu diiwaan galinayo dadka Ajaanibta ah ee dalka kusugan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlayey shaqo la,aanka dalka ka jirta ayaa sheegay inay jiraan dabadan oo Ajaanib ah kuwasoo dalka ka shaqaysta Balse dhowr jeer uu kala hadlay Beesha Caalamka wuxuuna sheegay in sharcigan wax ka bedelayo Dadka Ajaanibta ah ee dalka kusugan Muddo dheer.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sharaxay Qaabka loo qaadanayo Aqoonsiga Dalku joogga Muhaajiriinta ee Hay,ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ee qaybta Puntland.