Ammaanka Baladweyne Oo La Adkeeyey

0

Ciidamada Booliiska ee magaalada B/weyne ayaa adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi.

Wararka ayaa waxaysheegayaan in ciidamadan ay xalay illaa iyo saaka ay magaaladan ka sameeyeen howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu xaqiijinayo.

Lama sheegin howlgalladan in dad lagu soo qabtay iyo in kale, hase ahaatee ciidamada ayaa baaritaan ka sameeyey xaafadaha ay kooban tahay magaaladaasi.

Dhowaan, guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ku amray ciidamada ammaanka gobolkaasi iney xaqiijiyaan ammaanka deegaannada gobolkaasi gaar ahaan B/weyne.