FAALLO:- Socdaalka Madaxda JFS waa tallaabo muhiim ah oo loo baahnaa.

0

In madaxda dalka Soomaaliya ay booqdaan degmooyin ka mid ah dalka,isla markaana ay soo eegaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada iyo hormarada kale ee ay ku tallaabsadeen waa calaamad muujineysa hanaanka dowlad wanaagga ee ay ku sifoobeen madaxda cusub ee Soomaaliya,gaar ahaan xilligaan adag oo la doonayo sidii loo raadin lahaa umad ka qeybqaadata nabad ku soo dabbaalidda dalka .

Haddaba muhiimadda guud ee safarka Madaxda dalka ay ku tageen xarumaha Marka iyo Jowhar ayaa loo arkaa mid wax ku ool ah oo muujinaaya in weli ay jiraan hogaamiyaal Soomaaliyeed oo daneynaya in ay la socdaan arimaha bulshada iyo hormarka kale ee ka jira degmooyinka dalka.

Dhiirrigelinta ciidamada ku howlan nabadeynta dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah ,ayaa ka mid ah booqashada madaxda dalka oo lagu micneeyay sidii loo heli lahaa niyad ama moral adag oo lagu xoreeyo goonaha ay weli joogaan cadowga umadda.

Nabad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo la dhexdhigo dadka walaalaha ah ayaa sidoo kale ku jiray ajeendaha safarka madaxda dalka, iyadoo isla markaana dadaal dheeraad ah la galinaayo sidii looga gudbi lahaa khilaafaadka ragaadiyey isbadallada nololeeed ee umadda.

In la booqdo goobaha cusub ee loo diyaariyay tababarka ciidamada iyo dhismaha kuwa loogu talagalay in ay ku howlgalaan maamulada,ayaa sidoo kale ka mid ahaa barnaamijka dowladda ee lagu tagay degmooyinka dalka.


Qeybaha bulsho ee ku dhaqan deegmooyinka la booqday ee Marka iyo Jowhar ayaa gudbinaya sawir farxad leh oo dhiirigelinaya hammigii ay ku socdeen wafdiga Madaxda dowladda ,kaas oo ah in loo baahnaa booqashooyin lagu ogaado xaaladda dadka iyo deegaanka.

Hoggaaminta wanaagsan ee dowlad dooneysa horumar,waxa ay ku jirta mar kasta in lala socdo ama laga warqabo dhibaatooyinka hortaagan bulshada,mashaariicda socota, horumarka kale ee lagu tallaabsaday iyo dhameystirka adeegyada ay u baahan yihiin umadi.

Waxaa hubbaal ah in haddii la doonayo horumar leh dhinacyo badan ay lama huraan tahay in la qaato talada madaxda dalka,isla markaana laga qeybqaato dadaalada dowladda ay ugu jirto ka miro dhalinta hadafka ama gaaritaanka waxqabad dhab ah oo muuqda.

Guud ahaan aragtida saliimka ah ee laga qabo safarka madaxda dalka waa tallaabo wax ku ool ah oo gabagabadii ku soo biyo shubaneysa in meesha ay ka baxaan tuhunada la xiriira in dowladdu aysan ka warheyn xaaladda nabadgelyo iyo tan nololeed ee dadka ku dhaqan gobolada dalka.

SONNA