DHAGEYSO+SAWIRO:- Madaxweynaha Koonfur galbeed oo shir deg deg ah Gudoomiyeey

0

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa kulan deg deg ah yeeshay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed,waxaana shir guddoomiyay Madaxweynaha Maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay laba qodob oo kala ahaa dhinaca amniga iyo diyaar garowga doorashooyinka dhawaan ku soo fool leh Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Warfaafinta Mamulka koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed (Ugaas Xasan) ayaa sheegay in kulanka marka hore tacsi loogu diray dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay 13-kii Bishaan Magalada Baydhabo,isla markaana waxyeelada ay ka soo gaartay dadka shacabka ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in siwyn leyskula falan qeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga,sigaar ah xilliyada doorashooyinka.