DHAGEYSO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay go’aanka ay ku taageereen Sacuudiga

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin ka bixiyay go’aanka ay ku taageereen dowladda Sacuudiga ee ay ku difaacayaan ilaalinta danaheeda dhaqaale iyo ka hortagida hanjabaadaha lagu haayo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in mowqifka dowladda Soomaaliya uu yahay mabda’a joogto ah oo ay ku garab taagan tahay xasilloonida, degenaanshaha iyo madax banaanida dalalka Carabta ee xiriirka fiican ka dhaxeeyo.

“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa mabda’a joogto ah inay ku garab taagan tahay dowladda Sacuudiga mowqifkeeda ay ku diidan tahay in la handado ama loo hanjabo in aysan fiicneyn oo ah olole lagu waxyeeleynayo ay wadaan quwado”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka ay soo saarneyn aanay ku xirneyn arrinta Wariyaha la la’yahay ee Jamaal Kashoggi oo la sheegayo in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, balse baaritaankiisa uu socdo, ayna tahay in la sugo sida uu yiri.

“Anaga go’aanka aan gaarnay kuma xirno arrinta Wariyaha, wuxuu ku xiran yahay dareenka dowladda Sacuudiga dareentay inay jiraan quwado handadaya dhaqaalahooda iyo amnigooda handadaad wax u dhimi karto taas ayaa ka hadleynaa, laakiin annaga arrinta wariyaha ah go’aan kama aanan gaarin ugama hor imaan, kumana difaacin Sacuudiga, go’aanka waxa weeye dowladda sacuudiga ku garab taaganahay dhaqaalaha iyo amnigooda in la difaaco”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.