DHAGEYSO:- Taliska Ciidanka xooga dalka oo ka hadlay howlgal kadhacay Deeynuunaay

0

Aroornimadii hore ee saakay ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Deeynuunaay oo Magalada Baydhabo u jira 26km,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka saakay oo Saacado badan socday ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 6aad Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in weerarkaas ay Al-Shabaab uga dileen 8 ruux,sidoo kalena ay hub uga furteen.