DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo balanqaad u sameyeey Maleeshiyadki dhalinyarada ahaa

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro qayb ka ahaa colaaddii sokeeye ee ka jirtay magaalada Marka ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dhaqan celin loo sameeyo dhallinyaradan, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey sida ay uga go’an tahay dhallinyaradan in ay qayb ka noqdaan geesiyaasha Soomaaliyeed ee u taagan inay Gobolka Shabeellaha Hoose ka xoreeyaan argagigixisada Alshabaab ee hagardaamada iyo dhibaatada joogtada ah ku haya shacabka Gobolka.