Al-Shabaab oo xalay weeraray Kontaroolka Koofureed ee magaalada Jowhar

0

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay kooxo hubeysan oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar kedis ah ku qaadeen bar koontarool oo ku taal dhinaca koofureed ee magaalada Jowhar.

Iskahor imaad muddo gaaban socday ayaa dhex maray ciidamadii ilaalada ka ahayd barta koontarool iyo maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee soo weeraray.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas xoog leh labada dhinac ay is weydaarsadeen iyadoo mid kamid ah ciidamada ilaalada ka ahayd kontoroolka uu ku dhintey halka mid kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Barta koontarool ee la weeraray ayaa waxa ay ku taal meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Hirshabelle oo uu degen yahay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,Guriga Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa imanaya iyadoo shalay ay magaalada Jowhar gaareen wafdi u horkacayo Ra’iisul Wasaare Kheyre kuwaasoo ay kamid ahaayeen Wasiira Amniga iyo Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.