Xasan Nasrallah Oo Daaha Karogay Boobka Maraykanku Ku Hayo Carabta.

0

Xoghayaha guud ee ururka Xizbullah, Sheekh Xasan Nasrallah ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin wax Qaddidaya, marka ay timaado dadaallada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku boobayo hantida dalalka Carabta. Nasrallah ayaa sheegay in ku cabsi-gelinta Iran ay tahay habka Trump u adeegsado inuu ku dal-dasho xoolaha Carbeed.

Khudbad uu taageerayaashiisa uga jeediyey taleefishinka, isaga oo ku sugan magaalada Beirut ee caasimadda Lebanon, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay in hadalkii ugu dambeeyey Trump ee ahaa in Iran ay qorsheysay inay 12 daqiiqo ku qabsato Bariga Dhexe, loga dan lahaa in madax Carbeed lagu dabo inay iibsadaan hubka Mareykanka, si ay xukunka ugu sii nagaadaan.

“Sida uu horey u yiri hoghaamiyihii geeriyooday ee Kacaanka Islaamiga ah ee Iran Imam Khomeini, maamulka Mareykanka waa tuugo, xitaa madaxii hore ee Mareykanka ayaa tuugo ahaa balse si cad uma sheegi jirin. Si kastaba, midka hadda xukunka haya wuxuu boobayaa madaxdii carbeed, isaga oo islamarkaana bah-dilaya” ayuu yiri Nasrallah.

Sheekh Xasan Nasrallah waxa uu intaas ku daray “Trump wax xushmad ah uma hayo anshaxa, xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda. Waxaan arkaynaa in Mareykanka aysan ka xishoon inay cid kasta bah-dilaan, xitaa kuwa xulufada la ah.”

Trump ayaa dhowaan sheegay in haddii uusan Mareykanka ahayn, uusan boqorka Sacuudiga xukunka sii joogeyn xitaa laba toddobaad, oo Iran ay ku qabsan lahayd 12 daqiiqo.