TOPNEWS:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ku Wajahan Jowhar

0

Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa maanta ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wafdiga ayaa markii ay tagaan Magalada Jowhar waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda maamulka Hir-Shabeelle iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Jowhar.

Amniga Magalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxana lagu soo waramayaa in ciidamo farabadan la dhigay wadada u dhaxeysa Magalada Jowhar iyo Garoonka Diyaaradaha,iyada oo sidoo kale ciidamo kale lagu arkayo Gudaha Magalada Jowhar.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaare kheyre ku tago Magalada Jowhar,waxaana markii ugu horeysay uu tagay Xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.