Ra’iisul-wasaare Kheyre oo gaaray Jowhar

0

Magaalada Jowhar Ee xarunta maamulka Hir-shabelle waxaa saacado ka hor ka degtay diyaarad sida wafdi uu hoggaamniyo Ra’iisul-wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Xukuumadiisa.

Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaa ku soo dhaweeyay Madax uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Maamulka hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale Xildhibaano

Ujeedka safarka Kheyre ee uu u tagay Jowhar ayaa waxaa uu yahay sidii uu dhagax dhigi lahaa dhismaha xarun uu yeelanayo Baarlamanka Hir-shabelle iyo mashaariic kale oo hore dowlada ay ugu balanqaaday in laga fulinato degaaada dowlad-goboledka Hir-shabelle.