DHAGEYSO:- Nabadoon Cosoble “Magaalada Marka dadaal badan ayay Dowladda galisay, Waa cusub ayaana noo baryay”.

0

Maxamed Maxamuud Cosoble oo ka mid ah wax garadka ku sugan magaalada Marka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Marka haatan uu ka jiro isbadal aad u balaaran, isla markaan ay rajo wayn ka qabaan inay magaalada noqoto mid nabdoon.

Nabadoon Cosoble ayaa xusay in magaalada ay wax badan ka badaleen ciidanka 14-ka October, kuwaasi oo ku guulaystay inay ammaanka magaalada sugaan sidoo kalana ay kala qaadaan oo nabad ay dhex dhigaan maleeshiyaadkii isku haystay magaalada.

“Dowladda iyo Madaxweyne Farmaajo si gaar ah ayay dadaal ugu bixiyeen xal u helida magaaladaan, runtiina aad ayaan ugu faraxsanahay hadii aanahay shacabka magaalada Marka.” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Maxamuud.

Isku soo wada duuboo Ciidanka 14-ka October oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka ayaa tan iyo markii ay tageen magaalada Marka waxa ay ku guulaysteen inay sugaan ammaanka magaalada sidoo kalana ay kala qaadaan maleeshiyaadkii ku dagaalamayay magaaladaasi, waxaana talaabadaasi ay rumaysay rajo mudo ay naawilayeen shacabka magaalada oo ahayn inay nabad helaan.

HOOS KA DHAGEYSO