Dagaal ka dhacay Duleedka Kismaayo

0

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Xoogga oo garab ka helaya kuwa Cadaan ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab  ayaa waxaa ay ku dagaalameen Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa la sheegay in diyaarado dagaal ay qeyb ka qaateen dagaalka inta uu soconayay.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in khasaaro lixaad leh uu soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay deegaanka Baar Sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

War qoraal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa ay Sheegeen in qarax ay ku dileen ciidamo ka tirsan Kuwa Jubbaland oo ku sugnaa deegaanka Baar Sanguuni.

Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in 3 askari ay ku dileen qaraxa, islamarkaana waxaa ay sheegeen in dagaalka  ka dhacay Deegaanka Baar sanguuni ay ku dileen 7 Askari oo ka tirsan kuwa Jubbaland.

Dhanka kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyagoona Sheegay in 10 Dagaalame ay dagaalka ay ku dileen.

Ma jiraan ilo ka madaxbanaan oo xaqiijinaya khasaaraha soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay Deegaanka Baar Sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.