DHAGEYSO:- Madaxweynaha Somaliland oo Amaan la daba galay Imaaradka Carabta

0

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay ballaarinta dekada weyn ee Magalada Berbera ayaa sheegay in Shirkadda DP World ay mudan tahay amaan weyn,isla markaana ay ballaarineyso dekada.

Waxa uu sheegay in Madaxda Shirkada DP WOrld uu uga mahad celinayo inaysan dheg jalaq u siinin hadalkii dowladda Federaalka ee ahaa in dekada aan lagu wareejin karin Shirkado,iyada oo aan fasax laga heysan dowladda Federaalka.

“Shirikada DP World waxaan uga mahadcelinayaa inaysan dheg jalaq u siinin hadalka Dowladda Federaalka.waana mudan yihiin in loo mahad celiyo ayuu yiri Muuse Biixi.