SAWIRRO:-Cabdikariin Qalbidhagax oo gaaray magaalada Kismaayo

0

Mid ka mid ah saraakiisha ururka ONLF Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo isagoo ku guda jira booqasho uu ku marayo qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Soomaaliya.

Qalbi dhagax ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyay qeybaha bulshada iyo madax ka tirsan maamulka Jubbaland,waxaana uu ka soo dhoofay magaalada Dhuusomareeb halkaa oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Soo dhaweyn kadib hadal kooban uu Qalbi Dhagax warbaahinta siiyay ayaa waxa uu ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu gaaro Kismaayo, isaga oo uga mahadceliyay shacabka reer Kismaayo sida Soomaalinimada leh ee ay u soo dhaweeyeen .

Mudada uu joogo Kismaayo ayaa Qalbi Dhagax waxaa lagu wadaa in uu kulamo la qaato madaxda Jubbaland iyo qeybaha bulshada.

C/kariin Qalbidhagax ayaa waxaa uu hore u soo booqday magaalooyin ku yaal bartamaha iyo waqooyiga dalka Soomaaliya.