DHAGEYSO:-Tirada Soomaalida Ku Dhimatay Dagaalka Yemen Oo La Shaaciyay

0

Weli waxaa dalka Yaman ka jira xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Ciidamada daacada u ah Dowladda la aqoonsan yahay ee dalkaasi Yaman oo awood ka helaya sibaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta.

Dagaaladaas oo soo bilaawday Sanadkii 2015k– ayaa waxaa khasaaraha ugu badan ay ka soo gaartay dadka rayidka ah,iyada oo dadka ku dhintay ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Qunsulkii hore ee Soomaalia ee Magalada Cadan ahan Qunsulka Safaarada Soomaaliyeed ee Suudanka Koonfureed Xuseen Xaaji ayaa sheegay in tan iyo markii dagaalka Yaman uu soo bilaawday ay ku geeriyoodeen in ka badan 400 oo ruux.